Trump oo xalay faro-cidile ku baxasaday

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka cararay casho sharaf ay weriyaasha Aqalka Cad ku sameeyeen Washington, DC, ka dib markii rasaas laga riday bannaanka hotelka cashadu ka dhaceysay.

Trump ayaa si degdeg ah loogala cararey masraxa hoteel Heliton ee ku yaala magaaladda Washington Hilton fiidnimadii Sabtida ka dib markii rasaas ay ka dhacday bannaanka qolka bandhigga oo ay ka socotay xafladda sanadlaha ah ee warbaahinta.

Marwada Koowaad ee madaxweynaha Melania Trump, iyo Golaha Wasiirada Trump waxba kama soo gaarin weerarkan hasse ahaatee waxaa ka muuqday goobta argagax iyo fowdo baahsan sida wariyaha Aljazeera uga warantey waxa dhacay. Ciidamada ilaaladda qaaska ah ee Trump iyo Poliska ayaa ku soo xoomay goobta rasaastu ka dhacday waxayna gacanta ku dhigeen nin 31 jir ah oo aad u hubeysan.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib dhacdada, Trump wuxuu ku sheegay in nin hub badan wata uu soo gaaray bar kontorool oo amniga ah, waxaana “toogtey” Hay’adda Sirdoonka.Trump ayaa tuhmanaha ku tilmaamay “qof aad u xanuunsan” iyo “tuug” weeraray Dastuurka Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Sirdoonka ayaa lagu toogtay weerarka, laakiin waxaa badbaadiyay jaakaddiisa xabadaha celisa wuxuuna “sameynayay shaqo fiican”, ayuu yiri Trump.

Sida aad ogtahay, tani maaha markii ugu horreysay ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay jamhuuriyadeenna uu weerar soo qaado qof doonayay inuu idilo,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Marka la’ eego dhacdooyinka caawa, waxaan ka codsanayaa dhammaan dadka Mareykanka inay dib ugu heshiiyaan si qalbi ah si aanu nabad ah u xalliyaan khilaafaadkeenna,” ayuu yiri Trump.

si kastaba ha ahaatee Trump ayaa horey waxaa loogu qaaday dhowr weerar oo isku dayo dil oo mid ka mid ah lagu dhaawacay kadib markii rasaas madaxiisa loo wadey ay goosatey dhegtiisa xili uu waday olle olle doorasho laba sano ka hor hase ahaatee waxaan weli la’ ogeyn waxa sababta u ah ama ka dambeeya dilalka qorsheysan ee Trump lala beegsanayo xili welba.

Qore: Omar Ahmed