Isreal iyo Mareykanka ayaa si wada jir ah u weeraray dalka Iran 28 bishii Feberaayo iyaga oo ku doodaya in Iran ay ku hawlantahay diyaarinta hub-nukleer ah,sidoo kale mareykanka iyo Yahuuda ayaa ku dooday in Iran ay gobolka ku hayso xasilooni dari iyada oo soo abaabusha falal amin daro oo ku wajahan dalalka la deriska ah , Waxaa sidoo kale maddaxweynaha mareykanku ku dhawaaqay si cad in ujeedada dagaalka uu ugu qaaday Iran ay tahay inuu afgambiyo taliska iyo xukuumadda Iran oo uu ku tilmaamay mid ku dhisan kaligiis talisnimo iyo caddaadis.
Hase ahaatee, dagaalka oo kolkii hore Trump ku goodiyey inuu soo afjarayo labo usbuuc gudahood ayaan noqon sidii uu filayey, dagaalka ayaa ku faafay dhammaan gobolka bariga dhexe, iyo marin-biyoodka Hurmuz, iyo Babal Mandab, Ciraaq, dhammaan dowladaha khaliijka kadib markii Iran ay duqeymo aan kala joogsi lahayn ku qaaday dalkaas oo mareykanku saldhigyo militari ku lahaa. Waxaa kale oo uga daray dagaalka in dalalka Ciraaq, iyo Lebnon uu dagaalku ku fiday kadib markii ay kooxo taageera Iran ay ku soo biireen dagaalka ka dhanka ah Yahuuda.
Dhanka kale, Iran ayaa duqeymaheeda la beegsatey goobo istiraatiiji ah ee ku yaala bartamaha iyo woqooyiga Isreal iyo sidoo kale kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta ee dalalka khaliijka sida Dubia, Bahrain, Qatar iyo Kuwait iyo Sacuudiga.
Cawaaqibka dagaalka Iran ayaa waxaa ka dhashay, inuu xirmo marin-biyoodka Hurmuz, oo halbowle u ahaa ganacsiga adduunka iyo marinka tamarta gaska iyo saliida bariga dhexe laga dhoofiyo tan ugu badan. Ciidamada Ilaalada kacaanka ee Iran ayaa burburiyey dhowr markab oo isku dayey in ay iska indho tiraan xanibaada Iran, hase ahaatee, dowladda Iran ayaa shaacisay in Marin-biyoodku u furanyahay dowladaha Iran saaxiibka la ah sidaa darteedna in aan loo ogoleyn maraakiibta reer galbeedka iyo Isreal in ay soo maraan Hurmuz taasina waa dhaqan gashay.
Sidoo kale waxaa jiray warar soo baxayey oo sheegayey in dowladaha Ruushka iyo Shiinuhu ay taageero qalab iyo mid sirdoonba u fidiyeen Iran, taas oo u suurto gelisay in ay bartilmaameedyo muhiim ah garaacdo isla markaana ay samada ka soo rido diyaaradaha mareyskanka taas oo Trump iyo saaxiibkii Natanyahu werwer gelisay.
Trump xaalkii ayaa ku xumaaday waxa uuna ku hanjabay in uu Iraan masaxayo hadii aysan ogolaan heshiis. 6 jeer ayuu waqti uqabtey makii dambe iyada oo Wax ka yar 90 daqiiqo ayaa ka hartay waqtigii kama dambaysta ahaa ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku burburin lahaa “ilbaxnimada” Iiraan waa sida uu hadalka u dhigaye . Talaadadii dambe ee Washington, DC, markii uu mar kale la kulmay bartiisa bulshada ee uu ugu jecel yahay, Truth Social.
Marka laga reebo xaqiiqda xabad joojinta, wax badan ayaa weli aan caddayn. Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay oggolaan doonto marin aan caqabad lahayn oo loo maro Marinka Hormuz halka Araghchi uu sheegay in marin biyoodka loo baahan yahay in lagu sameeyo iyadoo la kaashanayo ciidamada qalabka sida ee Iiraan. Kala duwanaansho kale oo muhiim ah ayaa si degdeg ah u soo ifbaxay: Lubnaan ma lagu daray xabad joojinta? Mareykanku ma ogolaaday inuu u oggolaado Iiraan inay raadiso kobcinta uranium-ka? Trump ma ogolaaday liis dalabaad ah oo 10-dhibcood ah oo Iiraan ah mise wuu aqbalay taas oo ah bilow wadahadal? Laakiin waxaa sidoo kale jiray isku-dhaf guud oo isku xiray hadalka Trump iyo sheegashada Araghchi: qirashada doorka dhexe ee Pakistan ee dhexdhexaadiyaha kaas oo ku guuleystay inuu ku qanciyo waddamada dagaallamaya ee aan kalsooni badan ku qabin inay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka.’
Hadaba waxa aanu sugnaa waa sida xaalka Iran iyo Mareykanku ku dambeeyo usbuucyadda soo socda.
Qore: Omar Ahmed
