Dowladda Soomaaliya waxay cambaareyn xoogleh dusha uga tuurtey taliska Israa’iil oo safiir u soo magaacaabay maamulka gooni-ugoosadka ah ee Soomaaliland lamagac baxay iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay “jebinta” madaxbannaanideeda iyo wadda jirka dhulka jamhuuriyadda Soomaalia iyo sharcigeeda caalamiga ah, sida ku cad war-murtiyeed la soo saaray 16-kii Abriil iyo hadallo ay jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.sida uu qorey wargeyska The Cradle ee ka soo-baxa dalka Turkiga oo ku hadla afka ingriiska
“Ficilkani wuxuu ka dhigan yahay xadgudub toos ah oo lagu iyo weerar lagu soo qaaday madax-bannaanida, midnimada, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, iyadoo intaas ku dartay inay “wiiqdayso nidaamka sharciga iyo xeerka caalamiga ah ee la aasaasay.”
Muqdisho waxay raacisay in go’aanku uu jebinayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya isla markaana uu ka hor imaanayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da Midowga Afrika.
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in Somaliland “ay weli tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dalka,” iyadoo diidaysa isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed oo ka baxsan awoodda federaalka.
Israa’iil waxay Michael Lotem u magacowday safiirka Somaliland 16-kii Abriil,2026 ka dib markii hore lagu dhawaaqay bishii Diseembar 2025 ee aqoonsiga labada dhinac.
Soomaaliya way diiday labada tallaabo waxayna ku boorrisay Israa’iil inay ka laabato go’aankeeda.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa sheegay in tallaabadani ay halis gelinayso xasillooni darrada ka jirta gobol horeba u kala qaybsanaa.
Isagoo ka hadlayay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, wuxuu ka digay in “ficillada Israa’iil ay isku dayayaan inay dhibaato badan ka abuuraan gobol horeba u kala qaybsanaa.”
Wuxuu intaas ku daray in kala qaybsanaan dheeraad ah ay abuuri karto xaalado ay ka faa’iidaysan karaan Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ay khatar gelin karto marinnada badda, isagoo ka digay in nidaamka adduunku uusan qaadan karin meel kale oo istiraatiiji ah oo la mid ah Marinka Hormuz.
Cumar wuxuu sheegay in go’aanka Isreal ay ku faragelisay arimaha gudaha soomaaliya uu ku riixay Soomaaliya inay xoojiso dadaaladeeda diblomaasiyadeed, iyadoo la macaamilaysa awoodaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si ay uga soo horjeestaan tallaabadan Soomaaliya qaaday ayaa waxaa taageeraya dhowr dowladodo waaweyn iyo ururo, oo ay ku jirto Turkiga.
Soomaaliya waxay ka digtay in ficillada Israa’iil ay dhiirrigelin karaan sheekooyinka gooni-u-goosadka iyo inay carqaladeeyaan horumarka gobolka, iyadoo ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah inay diidaan tallaabo kasta oo sharciyeynaysa sheegashada madaxbannaanida Somaliland.
Tallaabadan Israa’iil waxay qayb ka tahay isbeddel istaraatiijiyadeed oo ballaaran oo ku xiran aqoonsigeeda Somaliland bishii Diseembar 2025, iyadoo xoojinaysa is-afgarad soo ifbaxaya oo isku xiraya Israa’iil, Hindiya, Imaaraadka Carabta, iyo Itoobiya si loo sugo waddooyinka muhiimka ah ee badda ee Gacanka Cadan iyo Bab al-Mandab.
Qore: Omar Ahmed
