
Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa qaabka doorashooyinka ee ka dhacaya dalka heer gobol iyo heer federal iyada oo dowladda soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Hasan ay soo bandhigtey qaab-dhismeedka doorashada qof iyo cod. Halka kooxahan mucaaradka ahi ay doonayaan in dalka mar kale laga qabto doorasho dadban oo markaasi ay madax goboleedyadu ay soo xulaan dadka ku matali doona doowladda dhex.
Haddaba sida aan warka ku helnay, madaxda mucaaradka ayaa ku doodaya in dalku u baahanyahay doorasho la, isla ogolyahay.
Soomaaliya ayaa waxay ku jirtey nidaamka doorashada dadban tan iyo markii nidaamka federalka uu ka hano qaaday soomaaliya sanadkii 2006dii ilaa iyo maanta. Hase ahaatee nidaamkan doorashada dadban ayaa waxaa uu la daalaa dhacayey , musuq, sadbursi, isla xisaabtan la’aan iyo caddaalad daro.
QORE: Omar Ahmed
