Ruushka oo taageero u fidiyey Iran

Sida ay qortey jariiradda wararka ee Washington post ayaa waxaa isu sootaraya warkan la xiriira in Dowladda Ruushku aay la safantahay dalka Iran, Jariiradda Washington Post oo soo xiganeysa Saraakiil mareykan ah ee ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Ruushku uu siinayo Iiraan warbixino sirdoon oo la xiriira saldhigyada iyo bartilmaameeda ciidamada Mareykanka iyo Isra’iil ee gobolka barigga dhexe.

Macluumaadka Ruushku uu la’qebsaday Iran ayaa waxaa ka mid ah bartiah waxaa ka goobaha ay ku sugan yihiin maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha Mareykanka ee dagaalka kula jira Iraniyiinta.

Ruushku wuxuu siinayaa Iiraan macluumaad muhiim u ah Iran si ay u weeraro bartilmaameedyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe. Arinkan ayaa u muuqda mid muujinaya in quwad kale oo weyn ay qayb ka qaadanayso dagaalka ka socda bariga dhexe si dadban, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo ka tirsan sirdoon mareykanka.

Caawimaadda, oo aan hore loo sii sheegin, waxay muujinaysaa in khilaafka si xawli ah u sii fidayo, arinkaa oo tus’aaleynaya kala duwanaashaha sii fogaanaya ee u dhaxeeya mareykanka iyo Ruushka tan iyo billaawgii dagaalkii Ukraine sanadii 2022dii

Tan iyo markii dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka iyo Isreal uu bilaabmay Sabtidii, Ruushku wuxuu Iiraan u gudbiyey goobaha ay ku yaalliin saldigyada militariga Mareykanka, oo ay ku jiraan maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha, sida ay sheegeen saddexda sarkaal, ee ka tirsan sirdoonka mareykanka oo diiday in magacooda la shaaciyo

Soomaalia oo Qaaday Xilka Garsoorka ee Maxkamadda Bulshada Ee Bariga Afrika

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay kaalinteeda hoggaamineed ee gobolka, kadib markii ay heshay kursi muhiim ah oo ka tirsan laamaha garsoorka ee East African Community (EAC).

Intii uu socday Shir-madaxeedkii 25-aad ee hoggaamiyeyaasha EAC ee lagu qabtay magaalada Arusha, waxaa si rasmi ah loogu dhaariyey Garyaqaan Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi inuu noqdo garsoore ka tirsan Qaybta Koowaad ee East African Court of Justice, oo ah maxkamadda ugu sarreysa ee qaadda dacwadaha la xiriira heshiisyada iyo shuruucda ururka EAC.

Magacaabistan ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo Soomaaliya u horseedaysa inay door muuqda ka qaadato go’aamada sharci iyo siyaasadeed ee gobolka.

Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi ayaa ah khabiir sharci oo leh waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Wuxuu hore uga soo shaqeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir isagoo ahaa xeer-ilaaliye dowladeed, taasoo siisay faham qoto dheer oo ku saabsan nidaamka garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu shahaadada Master of Laws (LL.M) ee sharciga isbarbardhigga iyo dastuuriga ah ka qaatay Ohio State University ee dalka United States. Kahor magacaabistiisa, wuxuu la taliye sharci iyo dib-u-eegis dacwadeed ka ahaa xafiiska dacwad-oogaha ee magaalada Columbus, halkaas oo uu ka helay khibrad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamyada dacwadaha ee heer caalami.

In garsoore Soomaaliyeed uu ka mid noqdo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika waxay leedahay muhiimad sharci iyo dhaqaale oo weyn.

Maxkamaddan ayaa go’aan ka gaarta khilaafaadka ka dhasha jebinta heshiisyada EAC, oo ay ku jiraan caqabadaha ganacsiga ee ka gudba xuduudaha, sida xannibaadaha sharci darrada ah ee xamuulka iyo caqabadaha aan canshuurta ahayn. Joogitaanka garsoore Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto fahamka iyo difaaca danaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dalalka Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay ansixinta dastuurka ka dib markuu saxiixay maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Muddane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee Soomaaliya, isaga oo ku dhawaaqay dhaqan-galkiisa isla maanta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay madasha saxiixa dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu bilaabi doonto dhaqan-gelinta dastuurka federalka cusub ee dalka soomaaliya lagu dhaqi doono.

Madaxweyne Hassan ayaa xusay in dastuurkan uu saldhig u noqon doono xoojinta, iyo hor-umarinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ansaxinta dastuurkaan ayaa waxaa dood xoogan ka keenay madaxda labo maamul-goboleed oo kale ah Saciid Dani oo hoggamiya maamulka Puntland iyo Ahmed Madoobe oo isna ka arimiya goboladda jubbooyinka ee soomaaliya.

Halkan ka dhegeyso warka Idaacada

Qore: Omar Ahmed