
Midowga Yurub ayaa Khamiistii adkeeyay shuruucda fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in dowladda soomaaliya ay ku guuldareysatay inay si ku filan uga wada shaqeyso sidii dib loogu celin lahaa muwaadiniinta aan haysan xuquuq sharci ah oo ay ku sii joogaan Yurub.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabooyinka ku meel gaarka ah ay ka dambeeyeen qiimeyn uu sameeyay Guddiga Yurub, taasoo keentay in iskaashiga Soomaaliya ee dib u soo celinta qaxootiga uu “ku filnaado”.
Go’aankan ayaa ka dhigan in dhammaan visooyinkii midowga yurub uu u soo saari jirey dadka sita baasaboorka caadiga ah iyo midka safiiradda ama shaqaalaha dowladda ee u safri jirey Yurub aan loo ogolaandoonin in ay ku safraan. Talaabaddan uu qaaday midowga Yurub ayaa waxay dharbaaxo culus ku tahay dowladda federalka oo sheegan jirtey in midowga Yurub uu saaxiib dhaw layahay xukuumadda soomaaliya. Arinkaa ayaa keeni karta caqabado waa weyn haddii aysan dowladda Soomaaliya si adag uga jawaabin tilaabadan Yurub qaaday.
Dhanka kale war murtiyeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegey in dowladda soomaaliya aysan diidaneyn in ay muwaadiniinteeda dib-qaabisho, balse dowladdu ay ka biyo diiday qaabka dadka lagu sheegey in ay sharici daro yihiin loogu tarxiilayo Soomaaliya.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay bilo cadaadis ah oo ka imanayay dowladaha Midowga Yurub, kuwaas oo doonayay inay kordhiyaan soo celinta dadka magangalyo doonka ah ee la diiday iyo muhaajiriinta kale ee si aan joogto ahayn ugu nool ururka.
Si kastaba ha ahaatee, muddo sanad ka badan ayaa waxaa socday wadahadalo iyo heshiisyo qarsoodi ah oo ka dhaxeeyey qaarka mid ah dowladdaha midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya oo la xiriirta soo celinta dadka sharciyada loo diiday ama lagala noqday ee Soomaalida ah ee Yurub ku nool. Iyadoo xitaa dowladaha qaar ay lacago ku bixiyeen sidii dadkaas dib-dalka loogu celin lahaa lacagahaas oo qaarkood lagu shubay xafiiska Raiisul wasaaraha hadda jooga. Hasse ahaatee, buuq iyo qaylo ka dhalatey qaabkii loo maamulay arinkaas.
Sidoo kale waxaa jira in dadbadan oo soomaali ah ay booliska qaarka mid ah dowladaha Yurub ay soo qabteen iyag oo lagu tuhmayo in ay qaab sharci daro ah ay ku joogaan Yurub ama ay dambiyo geysteen iyada oo wax xuquuq sharci helin kadibna dib-loogu masaafuriyey soomaaliya.
Qore:Cumar Axmed
