Mareykanka iyo Isra’iil oo weeraray Iran

Dowladaha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa goordhow weerar culus oo qaraxyo leh ku qaaday gudaha dalka Iiraan, iyada oo bambaanooyinka laga maqlay guud ahaan magaalada caasimada ah ee Tehraan. Sida ay warisay Wakaaladda Wararka AFP

Madaxweyna mareykanka ayaa isguna dhankiisa shaaciyey in Mareykanku uu wado hawgalo militari oo ka dhan ah dalka Iran iyo xukuumada dalkaas u aramisa.
dhanka kalena hoggaanka ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa iguna ku goodiyey argoosi xanuunbadan oo ka dhan ah Isreal iyo Mareykanka.


Haddaba dagaal ka bilaawday bariga dhexe ayaa u muuqda mid ka qatarbadan dhamman dagaaladii hore uga dhacay mandiqada maadaama ay ku hirdamayaan awoodo militari oo mugleh iminka. Dagaalka ayaa ku faafay si deg deg ah dhammaan dowladaha gobolka barigga dhexe iyada oo warku sheegayaan in Iran ay qaaday weeraro sawaariikh ah oo lala beegsanayo saldhigyada militari ee Mareykanka ee ku yaala dalka khaliijka iyo Jordan.

Dhanka kale xukuumada Iran ayaa sheegtey in ay sii wadi doonto weeraradeeda ay ku qaadeyso yahuuda iyo ciidamada mareykanka ee gobolka.

Qore: Omar Ahmed

Hoos Riix oo dhegeyso warka