Laga bilaabo bishii Maarso 2026, Israa’iil waxay ku jirtay wadahadallo iyo sahaminta goobaha suurtagalka ah si ay u dhisto joogitaan milatari iyo sirdoon oo ku yaal Somaliland, gaar ahaan meel u dhow dekedda Berbera. Tani waxay ka dambeysay aqoonsiga muranka dhaliyay ee Israa’iil ay siisay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan bishii Diseembar 2025, oo loogu talagalay in looga hortago weerarrada Xuutiyiinta ee Badda Cas.
Faahfaahin Muhiim ah oo ku saabsan howlgalinta la sheegay:
Hadafka Istaraatiijiyadeed: Xarunta la soo jeediyay waxaa loogu talagalay in lagu kormeero oo looga hortago dagaalyahannada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo carqaladeeyay marin niyoodka maraakiibta ee badda cas.
Goobta La Soo Jeediyay: Saraakiisha amniga ee Yahuuda ayaa sahamiyay xeebta Somaliland, iyagoo si gaar ah u daneynaya dhul sare oo u dhow Berbera. Hasse ahaatee xukuumadda Soomaaliya way diiday tallaabadaas, iyagoo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo midnimadda dhulkeeda. Intaa waxaa dheer, Xuutiyiintu waxay ku hanjabeen inay bartilmaameedsan doonaan dhammaan magaalooyinka Somaliland haddii Berbera looga soo duulo sidoo kale waxaa batilmaameed noqon doona qalab kasta oo Israa’iil ay ka sameyso ama keento nawaaxiga Berbera.
Maamulka gooni u goosadka ah ee la magacbaxay Soomaaliland ayaa waxa uu wadaday isku dayo iyo wadahadalo uu la waday Iseal iyo Ethiopia tan iyo burburkii xukuumaddii dhexe sanadkii 1991dii . Waxaa kale oo uu maleegayey maamulkaasi shirqoolo iyo hagar daameyn ka dhan ah xasiloonida iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed iyaga oo taageero lixaad leh u fidiyey Ururka argagixisada ah ee Al-shabaab oo dambiyo dagaal oo fool xun ka geystey koonfurta Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda federalka soomaaliya iyo ku dhawaad 97 boqolkiiba shacbiga Soomaaliyeed waxay ka soo horjeedeaad falka waxshinimada ah oo taliska yahuudu ku kacay. iyo qiyaanda madaxda maamulka Sooomaaliland uu ugeystey qarnimadda iyo dastuurka jamuuriyadda federalka Soomaaliya.
Qore: Omar Ahmed
