Isra’iil oo bilaawday daadgureynta falastiniiyiinta Gaza. Halkee la’geynayaa?

Diyaaradda siday ilaa 150 Falastiiniyiin ah oo ka timid marinka Gaza ayaa la yaab ku noqotay qof walba oo dhulka joogay markii ay ka degtay Koonfur Afrika bishii Nofeembar.

Ma ahayn tii kaliya. Tan iyo bishii Maajo, ugu yaraan saddex duulimaad oo ay ka buuxaan dad reer Gaza ah oo iska diiwaangeliyay inay ka baxaan deegaanka dagaalku ka socdo ayaa loo raray dalalka Indonesia iyo Koonfur Afrika sida ay qortey wakaalada wararka ee Associated press (AP)

Koox Israa’iil ah oo mayal adag ayaa bilaawday fulinta soo jeedinta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta laga dejiyo Gaza ayaa ka dambeysa duulimaadyada, sida ay ogaatay baaritaan ay samaysay AP, taasoo keentay su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan sababaha ka dambeeya daadgureynta boqolaal qof oo ka yimid marinka.

Waqtigaas, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Ronald Lamola wuxuu duulimaadyada ugu yeeray “ajande cad oo lagu nadiifinayo Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed.”

Arintaan ayaa sida warku nagu soo gaaray ayaa waxaa ku lug leh urur Israa’iili ah oo ay aasaaseen askar iyo saraakiil hore oo sirdoon ah,oo lagu magacaabo Adkan ayaa kala shaqeeyay shirkad kale si uu u kala fogeeyo xiriirka Israa’iil iyo abaabulka duulimaadyada, sida ku cad qandaraas, liisaska rakaabka, fariimaha qoraalka ah, warbixinnada maaliyadeed, iyo wareysiyo lala yeeshay in ka badan labaatan Israa’iiliyiin, Falastiiniyiin iyo dad kale oo ku lug leh safarrada lagu taxaabayo dadka reer falestiin

si kastaba ha ahaatee, xukuumadda yahuuda ayaa inbadan ku taameysan in dadka falastiiniyiinta ah ee marinka Gaza ku haray in lagu taxaabo xoog iyada oo horey uu u jirey dowlado gaar ah oo si qarsoodi ah ku aqbalay qaabilaada dadkaas. Waxaa kale oo jira warar sheegaya in maamulka woqooyi galbeed ee lamagac baxay Soomaaliland uu heshiis lagalay xukuumadda israiil. Heshiiskaas oo xukuumadda yahuudu ay aqoonsi siisay Maamulkaa goooni ugoosadka ka ah Jamuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo taa badelkeeda Isreal heli doonto saldhigyo militari ee ku teexan marin biyoodka badda cas. iyo in maamulka soomaaliland uu qaabilo qaxootiga falestiiniyiinta oo dib-udejin loo sameeyo. sida uu qoray wageyska Haartez ee laga leeyahay Isreal

Qore: Omar Ahmed