Sida aan warka ku helanay ciidanka ilaalada kacaanka Iran ayaa gantaalo ku weerararay saldhig ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalka Sacuudi caabiya, saldhigaan oo ay fadhiyeen diyaarado militari, iyo kuwo loo isticmaalo basaasnimada difaaca cirka oo dhawr ah ayaa Iiran burburisay. Warka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah diyaaradaha bassaasnimada dalka mareykanka iyo kuwa shidaalka diyaaradaha dagaalka samada ku siiya uu burbur xoogan ka soogaaray weerarka gantaaladda Iiran ay halkaasi ku qaaday, sida uu qorayo wargeyska lagu magacaabo The times of Isreal ee ka soo baxa dalka Isreal ayaa sheegey in ugu yaraan 5 diyaaradood ay waxyeelo ka soo gaartey weerarkaas .
Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Ukriane Zelensky ayaa ku eedeeyey in dalka Ruushku uu gacanka geeystey duqeymaha Iiraan la beegsaneyso bartilmaameedyada ciidamada Mareykanka ee bariga dhexe. Isaga oo sheegey in sawirrada dayax-gacmeedka Ruushka ee saldhigga cirka ee Amiir Sultan lala wadaagay Iiraan maalmo ka hor weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay 12 askari oo Mareykan ah.
Diyaaradaha bassaaska loo isticmaalo oo digniinta oo Mareykanku leeyahay ayaa si weyn u burburay kadib weerarka Iiraan ay ku qaadday saldhig diyaaradeed oo ku yaal Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ay soo xigatay The Wall Street Journal iyo muuqaallo lagu daabacay khadka internetka Axaddii.
Weerarkii Iiraan ee Jimcihii ka dhacay Saldhigga Cirka ee Amiir Sultan wuxuu dhaawacay Boeing E-3 Sentry, oo ah diyaarad Digniin iyo Nidaam Xakamaynta Hawada (AWACS) ah oo adeegsata radar horumarsan si ay ula socoto diyaaradaha iyo gantaallada boqolaal kiiloomitir oo u jira, taasoo siinaysa taliyayaasha sawir dhab ah oo ku saabsan goobta dagaalka ee cirka.

Joornaalka ayaa soo xigtay mas’uuliyiinta Mareykanka iyo kuwa Carab ah oo sheegaya in E-3 Sentry uu ka mid ahaa diyaaradaha waxyeeladu ka soogaartey weerarka. Muuqaallo lagu daabacay khadka internetka ayaa sidoo kale u muuqday inay muujinayaan Boeing E-3 Sentry oo si weyn u burburay.
Mareykanka ayaa la sheegay inuu lahaa 16 diyaaradood oo E-3 Sentry ah oo shaqeynaya ka hor weerarkii lagu qaaday saldhigga cirka ee Sacuudi Carabiya, taasoo ka hooseysa raxan qiyaastii 30 sano ka hor ah.
Warbixintu waxay sheegtay in diyaaradda E-3 Sentry aysan lahayn beddel fudud oo diyaar u ah adeegga, iyo in beddelka ugu dhow, E-7 Wedgetail, la filayo inuu ku kici doono $700 milyan.
Weerarka, Iran ay saldhigan ku qaaday ayaa waxaa loo adeegsaday ugu yaraan hal gantaal iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn,taas oo ugu yaraan dhaawacayo ugeysatey 12 ka tirsan ciidamada Mareykanka, waxaana uu dhaawacay dhowr diyaaradood oo shidaal dib u shubaya, sida ay sheegayaan wararka Sabtida.
Qore: Omar Ahmed
