Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland waxaa sabab u ah arrimo muhiim ah oo ku saabsan istaraatiijiyadda, amniga, iyo arrimaha diblomaasiyadeed, dhaqaalaha ay yahuudu ka leedahay badda cas iyo dulka Soomaaliya. Xidhiidhku wuxuu ku xiran yahay goobta istaraatiijiyadda ah ee Somaliland ku taal meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, taasoo Israa’iil siinaysa fursad muhiim ah oo ay ku gasho khilaafaadka awoodda gobolka, halka Somaliland ay hesho taageero caalami ah oo muhiim ah.
- Badda Cas & Amniga marin biyoodka Bab-al mandab, oo halbowlaha ganacsiga adduunka iskuna xira Yurub, barigga dhexe iyo qaaradda Assia. Marin biyoodkan ayaa waxaa ka socoday iska hor-imaadyo hubeysan kadib dagaalkii yahuudu ku qaaday Yemen. Iyada oo dagaalyahannada Xuutiyiinta ay carqaladeeyeen maraakiibta caalamiga ah ee marinka Bab al-Mandab, Israa’iil waxay doonaysaa inay sugto marinnada badda. Xeebta Somaliland oo dhererkeedu dhan yahay 850 kiilo mitir ayaa bixisa qoto dheer oo istiraatiiji ah iyo marin u helidda hawlgallada badda, oo ay ku jiraan kaabeyaasha milatariga iyo sirdoonka Israa’iil ee la sheegay inay ku sugan yihiin dekedda Berbera.
- Ka Hortagga Caqabadaha Gobolka ciidan ahaan ka heysta yahuuda sida Iran, Turkey, iy Xuutiyiinta Yemen . Yahuuda oo Dhulka woqooyi-galbeed Soomaaliya ka aasaastey radar weyn iyo saldigyo military iyo kuwa sirdoon oo balaaran . Haddaba Iskaashigan yahuuda iyo maamulka gooni-ugoosadka ah ee Somaliland wuxuu u oggolaanayaa Israa’iil inay awood ku soo bandhigto Geeska Afrika oo ay ka hortagto saameynta sii kordheysa ee Iiraan iyo Xuutiyiinta isla markaana ay koontrol ku sameyso badda cas.
- Yahuuda oo dooneysa in ay xiriir dhaw la yeelato dowladaha khaliijka oo qaarkood ka biyo diidanyihiin aqoonsiga yahuuda oo hadda xoog ku haysata dhulka reer falastiin tan iyo sandkii 1948dii La jaanqaadidda Iskaashiga Khaliijka: Ka-qaybgalka Israa’iil wuxuu dhameystirayaa siyaasadaha gobolka ee Imaaraadka Carabta (UAE), kaas oo horeyba raad dhaqaale iyo militari oo muhiim ah ugu lahaa Berber.
- Israel waxay u aragtaa in talaabadan aqoonsiga Soomaaliland ay muhiim utahay balaarinta mashruucii Abraham Acord oo horey dowlado badan oo Muslim ah ay iska diideen marka laga reebo Imaaraatka carbata oo saxiixday hishiiskaas.
Maxay tahay Istiraatiijiyadda Maamulka Soomaaliland uu ka leeyahay aqoonsiga Isreal?
- Helis aqoonsi diplomacyadeed oo ay adduunka kula macaamilaan oo ka madax banaan kii ay ku haysteen Jamhuuriyadda Soomalia in kasta oo ay yahuuda kaliya aqoonsatey haddana madaxda Soomaaliland waxay rajeynayaan in dowlado kale soo raacaa maadaama yahuudu ay taageero weyn ku leedahay dowladaha Yurub iyo America.
- Maamulka Soomaaliland oo la’daalaa dhacayey tabardaro dhaqaale iyo mid military ayaa waxa uu yahuuda ka quudareynayaa in ay maalgeliso mashaariicda maamulka ee dhaka dib-udhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo teknologiyadda
- Maamulka soomaaliland ayaa Yahuuda ka rajeeynaya in ay ka difaacdo soomaalida inteeda kale hadii la soo weeraro isla markaan ciidankooda tababar iyo qalabeyn yahuudu u fidisao taa bedelkeeduna maamulka Soomaaliland uu share ka siiyo dhamaan mashaariicda hor-umarka ee goboladda woqooyi galbeed.
Maxay tahay qatarta ay yahuudu ku keeni karto Soomaaliya ee la xiriira aqoonsiga Soomaaliland?
a. Talaalbada taliska Yahuudu u qaaday aqoonsiga Soomaaliland waxa uu qatar toos ah ku yahahay amniga, iyo badaxbanaanida Jamuhuuriyadda Soomaaliya waxayna horseedi kartaa baa’ binta jiritaanka midnimadda dhuleed ee Somalia.
b.Waxay dhiirigelinkartaa maamuladda dalka ka mid ah ee hadda khilaafku kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya islamarkaana siyaasadda dowladda federalka ah ee Soomaaliya dhaliilsan in ay iyaguna gooni u goosad raadiyaan. Taas oo keeni karta wax u eg wixii ku dhacay Yuguslavia oo hadda ukala irdhowday 6 dowladood oo yar yar oo aan wax miisaan dhaqaale ama militari ku lahay caalamka.
c. Isreal oo berbera joogta Soomaaliya waxay ku noqon kartaa qatar ku wajaha amnigeeda iyo marinbiyoodkeeda badda cas iyo badweynta hindiya taas oo keeni karta cunaqabatey weyn oo dhaqaale iyo kontrol lagu sameyo maraakiibta aadeysa Soomaaliya inteeda kale.
Maxaa la’ gudboon in ay sameyso dowladda Soomaaliya?
- Dowladda Soomaaliya waa in ay la’ timaado istiraatiijiyada military iyo mid diplomaasiyadeed oo maamulka yahuuda ku qancin karta in ay dib-ula noqodaan anqoonsiga(Balance of Power and Bangwagning strategy)
- Dhismaha ciddanka soomaaliya iyo qalabeyntiisa si uu la wareego xuduudadaha dhulka iyo badda iyo cirka
- Soomaalia waa in ay raadsato Xulufo u dhiganta Isreal iyo America oo ay ku tiirsanaankarto hadii xaalku dagaal ka fursan waayo(Alliances)
- Mideynta inta kale dhulaka iyo dadka Soomaaliyadeed iyo ku qancinta soomaalida inteeda kale waajinimada diffaaca dalka, dadka iyo diinta
- Soomaaliya waa in ay abuurataa wax cabsigalin kara maamulka Soomaliland si uu wax uga bedelo mowqifkiisa (Deterrence leverage) haddii ay ahaan lahayd cuna qabateyn dhaqaale iyo mid ganacsi iyo mid siyaasadeed.
- Soomaaliya waa in ay beddeshaa qaabkii hore aya wadahadalada ula waday maamulka Soomaaliland waana in dowladda soomaaliyeed dadka iyo dalka u diyaarisaa sidii loo wajihi lahaa xiisaddaan cusub oo mid la mid ah Dalka Ethiopia u soo marktey kadib markii gobolka Tigrey uu isku deyey in uu dalka Ethiopia gooni uga go’o hase ahaatee uu ku fashilmay midaad kadib dagaal dhiigbadan ku daatey oo gobolkaa ay dowladda federalka ee Ethiopia ay hoggaamineysay(Somali government must claim its Sovereignty over its territories)
Qore: Omar Ahmed Maalin
