Diyaaradaha Droneska oo burburiyey xarun muhiim ah oo korontada laga dhaliyo dalka Emaraatka Carabta maanta

Weerar diyaarad aan duuliye lahayn ayaa sababay dab ka kacay matoor koronto oo ku yaal Warshadda Tamarta Nukliyeerka ee Barakah ee gobolka al-Dhafra ee Imaaraadka Carabta. Halkaas oo dab aad u xoogan isqabsaday sida ay shabakadda Aljazeera werisay

Dhanka kalena Israa’iil ayaa sii wadda weerarrada dhimashada leh ee ay ku qaadayso koonfurta dalka Lubnaan waxayna sheegtay inay weerartay 100 goobood laba maalmood gudahood, ka dib markii gorgortannadii labada dal ay ku heshiiyeen in la kordhiyo “xabad joojin” la sheegay inay socoto 45 maalmood oo dheeraad ah.

Dhanka Soomaaliyana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa fariin adag u diray kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda taliskiisa kuwaas oo ku doodayey maalmihii la soo dhaafay in madaxweynaha waqtigiisii xilka uu dhammaaday. Hasse ahaatee dowladda madaxweyne xasan ayaa u muuqata in ay dheg jalaq u siin walaaca mucaaradka. Maanta ayaa madaxweyne Hassan uu qaabilay safiir cusub oo dalka Djbouti u soo direy soomaaliya midaas oo muujineysa sida ay uga go’antahay mudo kororsi cusub. Madaxweynaha ayaa ka faa’iideysanaya kala jabka ka dhe jira mucaaradka iyo habacsanaanta bulshadda caalmka oo hadda qityaan ka taagan dagaalada ka socda Ukraine iyo barriga dhexe oo u muuqda kuwo aan xal loohaynin.

Qore: Omar Ahmed Maalin