
Sida aan warka ku helnay banaanbixii ay ku baaqeen kooxaha mucaaradka in uu bilawdo maanta saacadu markii ay ahayd 7.00 aroornimo ayaan weli bilaaban. Sidoo kale waxaa jira in xukuumadda Soomaaliya ay ciidan ku soo daad gureysay dhammaan xarumihii ay mucaaradku ka degenaayeen magaaladda Muqdisho iyada oo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada muqdisho lagu arkayey ciidamo aad u hubeysay oo isgooysyada muhiimka ah taagan.
Madaxweynihii hore ee dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hoggamiya mucaaradka Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in 11:00 subaxnimo la isugu yimaado garoonka Eng Yariisow ama Stadio Koonis, kaas oo shalay dawladda ay amar ku bixisay in mucaaradku ay ku qabsadaan bannaan baxyada.
Go’aankan ayaa ka dhigan in uu meel maray amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee mucaaradka loogu diiday in aan bannaan baxyada lagu qaban karin goobihii ay shalay cayimeem mucaaradka oo qaarkood ay ku dhawaayeen madaxtooyada. Sidoo kale waxaa socda dhaqdhaqaaqyo mucaaradka iyo dowladu ka wadaan magaalada muqdisho taas oo saameyn ku yeelatey isu socodka dadweynaha.
Qore: Omar Ahmed
