Trump iyo Iiraan ayaa hanjabaado isku dhaafsaday oo la xiriira furitaanka marin biyoodka Hurmuz oo Iran ay xirtey kadib markii ay mareykanka iyo Isreal weerar ku qaadeen warshaddaha quwadda tamarta ee Iran. Haddaba maanta oo Isniin ah ayaa ku beegan waqtigii uu Donald Trump uqabtey Iran in ay furto marinka Hurmuz, haddii kale waxa uu ku goodiyey inuu burburin doono Iran. Dhanka kale, Israa’iil waxay sheegtay inay dishay madaxii sirdoonka Iiraan ee IRGC. sida uu baahiyey Telefesionka CNN.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ma saxiixin soo jeedin ay soo diyaariyeen waddamo ku baaqaya xabbad joojin 45 maalmood ah iyo dib u furista Marinka Hormuz, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. Iiraan ayaa diiday xabbad joojin ku meel gaar ah waxayna sheegtay inay diyaarisay jawaab ku saabsan dalabaadka Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka.
- Waqtiga kama dambaysta ah ee Trump: Trump ayaa u muuqday inuu u qabtay Iiraan waqti kama dambeys ah oo Talaadada ah si ay dib ugu furto marinka. Iiraan waxay sheegtay in cawaaqibka weerarrada kaabayaasha dhaqaalaha ay ka sii gudbi doonaan gobolka barigga dhexe iyadoo saameyn doona adduunka. Trump ayaa maanta qaban doona shir jaraa’id oo ku saabsan badbaadinta bilootkii diyaaradii Iran riday ee F-15 ahayd taas oo dabayaaqadii usbuucii la soo dhaafay lagu soo riday gudaha Iran.
- Madaxa sirdoonka Iiraan oo la dilay: Israa’iil waxay sheegtay inay dishay madaxii sirdoonka ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan. Waxay bartilmaameedsatay tobaneeyo saraakiil sare ah oo ka tirsan IRGC tan iyo markii uu khilaafku billowday.
- Weerarradii ugu dambeeyay: Lix carruur ah ayaa ka mid ahaa kuwii lagu dilay weerarradii habeen hore ee Israa’iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iiraan, sida ay werisay warbaahinta dowladdu. Sidoo kale Afar qof ayaa lagu dilay afar kalena waa lagu dhaawacay weerar gantaalo ah oo Iiraan ay ku qaadday dhisme la deggan yahay oo ku yaal Haifa, Israa’iil.
- Dhanka kalena, Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu hubeeyay mucaaradka Iiraan isagoo adeegsanaya Kurdiyiinta, hase ahaatee kooxaha Kurdiyiintana ay beeniyeen sheegashadaas,haddaba ,Qirashada Trump waxay xaqiijinaysaa sheegashada Iiraan ee ah in dibadbaxyadii bishii Janaayo ay taageereen dad shisheeye si ay u abuuraan fowdo.Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu isku dayay inuu si qarsoodi ah u hubeeyo dibadbaxayaasha Iiraan iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Kurdiyiinta toddobaadyo ka hor inta uusan bilaaban dagaalka hadda socda, xitaa iyadoo Washington ay wadahadallo la lahayd Tehran.
- “Waxaan qoryo u dirnay dibadbaxayaasha, badankood,” Fox News ayaa soo xigatay Trump isagoo leh Axaddii dambe, isagoo intaa ku daray in madaxweynaha Mareykanka uu aaminsan yahay in Kurdiyiintu ay hubkii uu diray ay qaateen oo aysan gudbin
- Qore: Omar Ahmed
