Dowladaha Khaliijka ayaa u sheegay Mareykanka in joojinta dagaalka aysan ku filnayn xalinta dhibaatada mandiqadda bariga dhexe, sidaa darteed ay lagama maarmaantahay in awoodda Iiraan waa in la´ wiiqo. Sida ay qortey wakaaladda wararka ee Reuters
Dowladaha Khaliijka Carabta ayaa u sheegaya Mareykanka in heshiis kasta oo lala galo Tehran uu ka badan yahay soo afjaridda dagaalka, waana inuu si joogto ah u xakameeyaa awoodaha gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, isla markaana uu hubiyo in sahayda tamarta adduunka aan mar dambe loo isticmaalin sida “hub”, afar ilo wareed oo Khaliijka ah ayaa sheegay xogtaas.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay waqtiga kama dambaysta ah ee uu Iiraan dib ugu furayo Gacanka Hormuz, kaas oo qaada qiyaastii 20% saliidda adduunka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, ama uu wajaho burburinta warshadaheeda tamarta.
Israel oo ku goodisay in ay sii wadi doonto weeraradeeda ka dhanka ah Iran

Israa’iil ayaa weerartay laba xarumood oo nukliyeer ah iyo laba warshadood oo bir ah oo waaweyn, kuwaas oo uu Ra’iisul Wasaaraha Iiraan Araghchi uu sheegay inay ku qaadi doonto “aargoosi culus”.
Weerarradan ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ballanqaaday inuu dib u dhigi doono weerarrada kaabayaasha tamarta Iiraan 10 maalmood gudahood – ilaa Abriil 6 – isagoo sii wada sheegashada wadahadallada Iiraan ee ku saabsan heshiis nabadeed inay “si aad u wanaagsan u socdaan”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Ishaq Dar ayaa xaqiijiyay in Islamabad ay gudbinayso farriimo u dhexeeya mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Iiraan oo qayb ka ah dadaallada dhexdhexaadinta si loo soo afjaro dagaalka, iyadoo Turkiye iyo Masar ay sidoo kale taageero siinayaan sida Tefeshinka Aljazeera bartiisa internetka ku wariyey
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Iiraan Ali Jafarian ayaa u sheegay Al Jazeera ugu yaraan 1,937 qof inay ku dhinteen weerarradii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen waddankiisa.
Israa’iil waxay soo saartay amarro barokacin ah dhammaan dadka deggan Lubnaan ee ku nool koonfurta Webiga Zahrani – oo ku yaal qiyaastii 50km (31 mayl) xadka Israa’iil – iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ay ku warameyso in ka badan 1,100 oo qof ay ku dhinteen weerarrada Israa’iil tan iyo Maarso 2.
Booqo raadraaca tooska ah si aad u hesho tirakoobyadii ugu dambeeyay ee khasaaraha ka dhashay gobolka oo dhan.
si kastaba ha ahaatee, xaalada dagaalka ka socda barigga dhexe ayaa ka sii dareeysa iyada oo laga cabsi qabo in dagaalku ku fido dhammaan mandiqada barigga dhexe oo weliba hadda dowladda mareykanku ay qorsheyneeyso in ay qaado weeraro dhulka ah oo ka dhan ciidanka xoogga dalka Iran. Dagaalkan ayaa saameeyey tamarta adduuunka iyo suuqyada dhaqaalaha adduunka. Iyada oo qatarta dagaalku ay abuurtey baro kac iyo burbur soo gaaray waddamo faro badan ee ku dhaw dalka Iran
Qore: Omar Ahmed
