Hogaamiyaha cusub ee Iiraan Mojtaba Khameini ayaa sheegay in Israa’iil ay la kulmi doonto cawaaqib xun ka dib markii ay dishay saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamadda amman dalka Iiraan laba maalmood gudahood, kii ugu dambeeyey dilalkan ayaa ah Wasiirka Sirdoonka Esmaeil Khatib sida ay daabacday warbaahinta Aljazeera
Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtey in ay bartilmaameedsandoonto warshaddaha batroolka iyo saliida ee ku yaala dalka dhaca gacanka carbeed sida Emaratka, Sacuudiga iyo Qatar kadib markii mareykanka iyo Isreal ay duqeeyeen warshadaha tamarta iyo gaaska dalka Iraan maanta.
Ceelka gaaska ee ugu weyn ee dalka Iiraan ayaa la duqeeyay Arbacadan maanta ah, taasoo uga siidartey dagaalka ka socda mandiqadda barigga dhexe dagaalkan oo Israel Mareykanka ku qaadeen dalka Iiraan 28dii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa hadda waji cusub galay, kaddib markii uu saameyntiisu ku fiday gebiahaan kaaba yaasha dhaqaalaha ee dalka Iiran.
Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay ka dib weerarkii lagu qaaday dalka Iiran kadib markii xukuumadda dalka Iran ay xirtey marin biyoodka dalka Hurmuz. Qiimaha saliida cayriin ee Brent ayaa kor u kacay qiyaastii 5% ilaa iyo $108 fuustadii Suuqyada saamiyada ayaa hoos u dhacay.
sikastaba ha ahaatee, dilkii hoggaamiye Ali Larijaani oo ahaa hogaamiyihii ugu saameynta badan ee Iiraan, , ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ku riixay marxalad aan la hubin, taasoo sii adkeynaysa go’aan qaadashada Tehran isla markaana yareysay fursadaha ay heli karto iyadoo dagaalku sii socdo.
Dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa furay albaab cusub oo ku saabsan Iiraan, wuxuuna ku bilaabmay dilkii Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei oo ay weheliyaan koox taliyeyaal militari ah, mana muuqato wax calaamad ah oo lagu yareynayo xasaradda ka taagan barriga dhexe, iyadoo dhowr sarkaal oo sare oo kale ay hadda bartilmaameed u yihiin taliska yahuuda iyo Mareykan iskaa shaday. Waxaa kale oo socda duqeymo aad ufool xun oo cirka ah taas oo qalqal gelisay dadka Iiraaniyiinta muddo seddex usbuuc.
Mareykan iyo Isreal ayaa ku andacoonaya in ay ka hortegayaan isku dayga Iran ay ku dooneyso hubka nukleerka taas oo ay beenisay xukuumadda Tehran. Hase ahaatee, dagaalka Mareykanka iyo Yahuuda ayaa umuuqda mid loogu talo-galay in lagu afgambiyo xukuumadda ka arimisa dalka Iiran lana dabargooyo awoodeeda militari ee gobolka.
Qore: Omar Ahmed
