Warka idaacada MAQAL
Maamulka u arimiya Mareykanka ayaa khafiifiyay cunaqabatayntii saarney shidaalka Ruushka. Cunaqabateyntaan oo Ruushka lagu soo rogey kadib duulaankii Ruushka ee ka dhanka ahaa dalka Ukraine taas oo Ruushka ka hor istaagaysa dalalka kale inay iibsadaan saliidda Ruushka iyo batroolka oo horey loogu raray maraakiibta badda si loo yareeyo dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan.
Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay in “tallaabada muddadan ku meelgaarka ah ” loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo “xasiloonida suuqyada tamarta adduunka”.
In kasta oo lagu dhawaaqay, haddana qiimaha saliiddu wuxuu sii kordhayaa waxa uuna gaaray $100 (£75) foostadii Jimcihii, halka suuqyada saamiyada ee ka baxsan Mareykanka ay hoos u dhaceen gebi ahaan.
Tallaabadan ayaa la kulantey sidoo kale dhaleeceyn ka timid hoggaamiyeyaasha Middowga Yurub iyo Kanada, kuwaas oo ka digay inay caawin doonto nidaamka Putin.
Weerarrada lagu qaaday maraakiibta iyo kaabayaasha tamarta ee dalalka Khaliijka, iyo sidoo kale xiritaanka iyo xanibaadada Iran ku soo rogtey Marinka Hormuz, ayaa ruxay suuqyada tamarta adduunka, taasoo abuurtay dhibaato shidaal yari ah oo aan horay loo arag.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa Jimcihii sheegay inuu aaminsan yahay inay khaldan tahay in hadda la yareeyo cunaqabataynta,Ruushaka saaran isagoo intaa ku daray in taageerada waddankiisa ee Ukraine ay halkeedii ka sii soconenyso sidoo kale sheegay in xiritaanka marin biyoodka Hormuz “sinaba” uusan qiil u ahayn in la qaado cunaqabataynta Ruushka, halka Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney uu sheegay in cunaqabataynta saliida Ruushka iyo maraakiibta ruushka ee daabusha shidaalka ruushka la adkeeyo.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK Yvette Cooper, oo ka hadlayshay booqasho ay ku tagtay Sacuudi Carabiya, ayaa ku eedaysay Ruushka iyo Iiraan inay isku dayayaan inay “burburiyaan dhaqaalaha adduunka”, isaagoo tilmaamay xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, waxay ka gaabsatay inay dhaleecayso go’aanka Mareykanka ee lagu qaadayo cunaqabataynta saliidda Ruushka, iyadoo ku tilmaantay “arrin gaar ah oo bartilmaameedsan”.
lix askari oo mareykan ah ayaa ku dhintey diyaarad militari oo maanta ku burburtey galbeedka dalka Iraq

Tliska dhexe ee militariga Mareykanka ayaa xaqiiyey in diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing KC-135 Stratotanker.Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in lix askari ay geeriyoodeen ka dib markii diyaaradoodii ay ku dhacday galbeedka Ciraaq, laakiin waxay ku nuuxnuuxsadeen in dhacdada “aysan sabab u ahayn gantaalo kama ugu dhacay ama kuwa cadawgu la beegsaday. Hasse ahaatee , kooxo islaamiyiin ah oo la magac baxay (The Islamic Resistance in Iraq,) ee taabacdan nidaamka Iiraan ee degen dalka ciraaq ayaa sheegtey masuuliyadda soo ridista diyaaradda mareykanka sida ay qortey Rauters
Diyaaradani waxay ku lug lahayd hawlgallada socda ee Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan waxayna ka mid ahayd laba diyaaradood oo shidaal hawadda sare ku siinayey diyaaradaha dagaalka ee mareykan ee duqenta ka wadada dalka Iiraan.
Taliska dhexe ee Mareykanka Centcom waxa uusheegay in dhacdadu ay dhacday abbaare 14:00 ET (19:00 GMT) Khamiistii, xaaladda shilkana hadda la baarayo.
Shilkii Khamiistii dhacay wuxuu tirada rasmiga ah ee dhimashada militariga Mareykanka ee dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan, kaas oo billowday laba toddobaad ka hor, ka dhigayaa 13.
Milatariga Mareykanka ayaa hadda qasaaray ugu yaraan afar diyaaradood intii lagu jiray dagaalka hadda socda.
Horraantii bishan, saddex diyaaradood oo F-15 ah ayaa lagu soo riday galbeedka dalka Kuwait, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mareykanka Dhammaan lixda duuliye ayaa awooday inay si nabad ah uga baxaan diyaaradaha ku dhacay dalka Kuwait
Qore:Omar Ahmed
