
Sida ay qortey wakaaladda waraka ee Reuters ayaa waxaa soo if-baxaya waxyeelo dheeraad ah in ay soo gaartey askarta Ameerikaanka ah ee dagaalka kula jirta ciidamada Iran. waxyeeladan oo aan wasaaradda gaashaandhiga Mareykanku aysan horey u shaacin ayaa hadda sida ay qortey wakaalada waraka ee Reuters in dhimashadu ay gaareyso 7 askari halka dhaacawcu gaaray 150 askari tobonkii maalmood ee la soo dhaafay.
Hase ahaatee, Tirada khasaaraha hore looma soo sheegin. Kahor inta aysan Reuters daabicin tirada, wasaaradda gaashaandhiga maerykanka Pentagon ayaa shaaca ka qaaday oo keliya siddeed shaqaale oo Mareykan ah oo si xun u dhaawacmay.
Wargeyska Reuters ayaa bartiisa internetka ku qoray wararkii ugu dambeeyay iyo falanqaynta dagaalka Iiraan.
War-saxaafadeed ay qabatey wasaarada gaashaan dhiga mareykanka ka dib markii Reuters ay daabacday warbixinteeda, Pentagon-ka ayaa ku qiyaasay tirada dhaawaca inay tahay qiyaastii 140 dhaawac ah waxayna sheegeen in inta badan ay ahaayeen askar dhailinyaro ah.
Maxay tahay ujeedada Israel ay u aqoonsatey maamulka ‘soomaaliland’?

Israa’iil ayaa sahaminaysa iskaashi amni oo qoto dheer oo ay la yeelato Somaliland oo iskeed u talisa, oo saldhig milatari ku leh Gacanka Cadan, sida ay Arbacadii werisay wargeyska Bloomberg.
Tallaabadan ayaa dawladda Yuhuuddu ku qaadi doonta dagaal toos ah oo ay la gasho fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ka soo horjeeda badda, waxayna sii xoojin doontaa loolanka awoodda ee gobolka Badda Cas.
Warbixintu waxay sheegtay in wadahadalladu ay sii xoogeysteen iyadoo dagaalka Iiraan uu sii kordhiyay walaaca laga qabo amniga marinnada biyaha ee gobolka. Waxay sidoo kale iftiimisay khatarta Xuutiyiinta, oo ah dhaqdhaqaaq fadhigiisu yahay Yemen laakiin ay taageerto Tehran oo bartilmaameedsaday maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadan in ka badan 100 jeer tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2023
Sida ay qoray machadka cilmibaarista ee lagu magaccbo Washington institute. Isreal ayaa heshiiska aqoonsiga ku badelatey in ay hesho saldhig militari iyo mid macluumaad ee xeebaha Soomaalliand, iyada oo ujeedku yahay in ay halkaa ka weeraraan kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen isla markaana halkaas ka koontroolaan biyaha badda cas. Arinta labaad ayaa ah in Isreal ay dib-udejin ay u hesho qaxootiga reer falastiin ee marinka Gaza.
Soomaaliland ayaa intaa ka dib waxay Isreal u dabo fadhisaa in ay ka saacido mashaariic hor-umarineed iyo sidii ay ula qalqaalin lahayd Isreal mareykanka, India, iyo Ethiopia iyo kenya in ay aqoonsadaan.
Qore: Omar Ahmed
