Baarlamaanka soomaaliya oo wax ka bedelay dastuurkii 2012dii

Labadda aqal ee uu ka koobanyahay Baarlamaanka federalka ee soomalia ayaa si wada jir ah ku ansixiyey waxka bedelka dastuurka soomaaliya Arbacada maanta ah.Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa waxaa ka qeyb galay 222 xubnood, kuwaas oo kala ahaa 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah. Xubnahaasi waxay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Dastuurka dalka, sida uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyuhu.

Ansixinta Dastuurkan ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada, xoojinta hay’adaha dowladda, iyo hagidda mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, kulanka maanta waxaa sidoo kale lagu dhaariyay Senator cusub, Cabdiraxmaan Barre Cismaan, oo si rasmi ah uga mid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ansixinta Dastuurka iyo dhaarinta xubinta cusub ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoojinaya howlaha Baarlamaanka iyo horumarka dowladnimada dalka.

Haddaba maxay yihiin qodobada ugu muhiimsan ee baarlamaanku wax ka bedelay?

Qaar ka mid ah waxyaabaha dastuurka laga beddelay waxaa ka mid ah muddada xil haynta madaxweynaha oo laga dhigay 5 sano, halkii ay markii hore 4 sano ahayd, ayadoo madaxweynahana uu ku imaanayo doorasho ay shacabku soo dooranayaan.

Waxaa kaloo wax laga beddelay arrinta ku saabsan guddiga doorashooyinka oo markii hore ahaa mid madax banaan, laakinse wax ka beddelkan uu ka dhigayo mid uu madaxweynuhu magacyada xubnaha qoraal ku soo saaro marka ay soo jeedin uga timaado golaha wasiirrada.

Waxaa kaloo wax laga bedelay arrimaha ay siyaasiyiinta aadka uga qayliyeen ee u badan awoodaha madaxweynaha sida magacaabidda ra’iisul wasaaraha iyo doorashooyinka dalka oo guddiga uu madaxweynaha soo magacaabayo ay qabanayaan.

Madaxweyneyaasha dawlad goboleedyada ayaa iyagana wixii hadda ka dambeeya loogu yeeri doonaa “hogaamiyeyaal gobol/governatoorayaal”.

Qore: Omar Ahmed