Ajendayaasha ugu waaweyn ee doorashada Sebtember 13, 2026, doorashada guud ee Iswiidhan oo si weyn looga hadlayo dhammaan xisbiyadda biddix iyo midigta waa sidan:
a. Amniga guud/ la’dagaalanka amni xumida
b. La’ tacaalidda dhaqaale xumida
c.Dib-u habeynta arimaha socdaalka, iyo siyaasadda.
d. Tamarta ama shidaalka.
Ajendayaashan kor ku xusan waxaa ka siman dhammaan xisbiyadda fadhiya baarlamaanka mucaarad iyo muxaafidba hase ahaatee, waxay ku argtiduwanyihiin qaabka ama sida loo wajahayo xalinta mushkiladahaan. Waana midaas meesha bidixda iyo midigtu isku qilaafsanyihiin.
Tusaale ahaan arinka socdaalka iyo jinsiyadaha axsaabta midigtu waxay aaminsanyihiin in la joojiyo gabi ahaan, welibana kuwa degenaasha iyo jinsiyadda dalka haysta ee soogalootiga ka mid ah laga la noqdo oo la’ masaafuriyo. Halka axsaabta bidixda ay aaminsanyihiin in arinka soogalootiga dib-uhabeyn lagu sameeyo oo cidii aan dalka damibi ka gelin dowladdu aysan kala noqon sharcigiisa.
Ajendayaasha kale ee soogalootiga saameyn doona waxay yihiin nidaamka wax-barashada, iyo daryeelka caafimaadka, shaqadda iyo sharciyadda lagu furto ganacsiga yar yar I.W.M.
Haddaba maxay ahayd siyaasadii midigta ee Afartii sano ee la soo dhaafay sidee ayse u saameysay nolosha iyo danaha soogalootiga?
Siyaasadda Ra’iisul Wasaaraha xiligaan xilka haya 4 sano ee la soo dhaafay Ulf Kristersson, Sweden waxay u dhaqaajiyey xakamaynta socdaalka si adag, masaafurin, sharci kala laabasho badan ayaa jirtey.
Sidoo kale tallaabooyin adag oo ka dhan ah dambiyada ah ayaa dowladda midigtu qaaday, sida xabsiyo dhisid, dalka gudihiisa iyo dibaddaba. Sweden waxay sidoo kale ku biirtey isbahaysiga NATO. Kristersson wuxuu xilka qabtay Oktoobar 2022 isagoo hoggaaminayay isbahaysi midig-dhexe ah oo ay taageerayaan xisbiga Sweden Democrats.
Kharashaadka Difaaca oo sare loo qaaday, Dowladdu waxay si weyn u kordhisay miisaaniyadda difaaca si ay u gaarto yoolalka amniga caalamiga ah. Taageerada Ukraine: Sweden waxay siisay Yukrayn gargaar milatari iyo mid dhaqaale oo xooggan.
Hase ahaatee, Afartii sano ee la soo dhaafay dadka soo galootigaa waxay dareemeen caddaadis dhaqaale oo weyn, isir-nacayb , faquuq iyo shaqo la’an taas oo kaliftey in dad badan dalka isaga tagaan. waxaa kale oo kordhay naca iyo fool xumenynta qaar ka mid ah dadka soogalootiga qaas ahaan daka asal ahaan ka soo jeeda Africa iyo barigga dhexe.
Isla afartii sano ee la soo dhaafay oo dowladda middigta ahi xilka haysay waxaa dhacay weeraro hubeysan oo la la beegsaday dad soogalooti ah, Masaajidyo dab la’ qabadsiiyey weeraradaas waxaa ugu xannuun badnaa midkii ka dhacay Iskuul wax lagu baro dadka waa weyn ee ku yaala degmadda Örebro bartamaha dalka Iswiidhen Afartii Feebarayo sanadkii 2024 halkaas oo lagu gacwracay 10 qof oo arday iyo macalimiin isugu jirtey.
Waxaa jiray dil bareer ah oo ku saleeysan isir nacayb oo loo geeysto gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Tani Nimco Daa’uud (oo sidoo kale loo aqoonsaday Nimco Bashiir Daa’uud), oo ahayd 28 jir oo ahayd kalkaaliso caafimaad oo December 2024 lagu dilay Märsta, waqooyiga Stockholm. Jirkeedana cad cad loogu gooyey kadibna meydkeeda la helay goor dame.
Haddaba maxaa laga filan karaa haddii markan bidixdu xilka qabato? ku soo qor fikirkaada comment field?
Isbahaysiga biddixdu wax miyuu ka bedeli doonaa siyaadda soogalooti nacaybka , iyo shaqo la’aanta ,nidaamka daryeelka caafimaada? mise Hawshu waa qawdda maqashii waxana ha’ u qaban uun? dhegeysteyaal fikirkiinu waa muhiin! ku soo qora sanduuqa faaladda ee hoose aragtidaada!
Qore: Cumar Axmed


Leave a Reply