Come and see us 12 St. Meka-Almukaram, Mogadishu

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mahamuud ayaa sheegey in khilaafyada siyaasadda uusan xiriir la’lahayn siyaasad qabiil ee waxa la’ isku hayo ay tahay maslaxadda qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay in dowladda federaalku aysan wax colaad ah u qabin muwaadin Soomaaliyeed, isagoo ku adkeystay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka aysan ku saleysnayn…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii sheegay in dowladda federaalku aysan wax colaad ah u qabin muwaadin Soomaaliyeed, isagoo ku adkeystay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka aysan ku saleysnayn khilaaf gobol, qabiil ama shakhsi ah.

“Dowladda iyo mas’uuliyiinteedu ma lahan wax colaad ah oo ay u qabaan qof kasta oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin ay dowladdu ula dhaqanto si wanaagsan, ixtiraam iyo sharaf leh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federaalku ay diyaar u tahay inay la dagaallanto qof kasta oo doonaya inuu dhiig daadiyo ama uu wiiqo amniga iyo midnimada Soomaaliya, laakiin wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dowladdu lafteedu aysan raadinayn iska hor imaad ama dhiig daata.

Wuxuu sidoo kale ka digay hadallada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee kicin kara dareenka dadweynaha isla markaana dib u furi kara nabarradii ay ka tageen khilaafaadkii hore. Isagoo qiray in qof walba uu xaq u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa, wuxuu sheegay in xorriyadaha noocaas ah aan loo isticmaali karin kicinta bulshooyinka ama dib u soo nooleynta kala qaybsanaanta hore.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in mas’uuliyadda ugu horreysa ee dowladdu ay tahay inay ilaaliso sharciga, ilaaliso midnimada qaranka iyo inay hubiso in Soomaaliya ay horay u socoto iyadoo hal waddan ah. Wuxuu sheegay in hay’adaha federaalku ay ka shaqeynayaan ujeeddooyinkaas.

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii Puntland ay ka digtay waxa ay ku tilmaantay qorshe ay dawladda federaalku ku doonayso inay ka sameyso bartamaha magaalada Gaalkacyo, taasoo arrintan ku xirtay booqasho suurtagal ah oo Xasan Sheekh uu ku imaan karo magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Soomaalida inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo danaha qaranka, isagoo carabka ku adkeeyay in dawladdu ay waajib ku tahay inay ka hortagto wax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida dadweynaha.

Warka murtiyeedka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyada oo dalka ay ka’ alloolsantahay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xukuumadda federalka ah iyo Maamuladda Puntland, Somaliland iyo Jubbaland. Soomaaliya ayaa hadda geshey marxalad hubinti la’aan siyaasadeed kadib markii ay sii xoogeysteen dhaqdhaqaaqyo gooni ugoosad ah oo ka socoda goboladda soomaaliya qaarkood.

Iyada oo dowladda federalka Soomaaliya ay gebi’ ahaan ku fashilantey soo celinta amarka iyo kala dambeynta qaar ka mid ah goboladda dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo qubaradu ku dhaliinayaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne xassan in aysan lahayn Istiraatiijiyad cad oo ay dalka uga badbaadiso kala’ go haddii ay ahaan lahayd qaab wadahadal ah oo heshiis lagu gaaro ama quwad military oo dowladu u isticmaasho in ay kuwiiqdo kooxaha ka soo horjeeda.

Qore:Omar Ahmed